Nabad Ku Afur, Ma Waxaad Ulla Jeeday Naxdin Ku Afur?W/D.Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

0

Ka hor bilashaddii bishan barakaysan ee maanta 5-ta maraysa ayaa madaxwaynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, Meel fagaare ah ka ballan qaaday in shacabka ay u diyaariyeen ciidamo Tababaran oo Ka hortagaya Wax kasta oo halis ku ah Nabad galyadda Taasoo uu ugu magac daray Nabad ku afur.

Dad badan ayaa soo dhoweeyay Barnaamijkan maadaama Maalmaha Ramadaanka Xoogaga Shabaab loogu bartay in ay beegsadaan Dadka ay cadowgoodda u arkaan ee dowlada ku jira, waxaana la aaminsanaa in ay xaallada wax iska badali doonto.

Barnaamijkii la fillaayay in uu wax iska baddallo ayaa ka sii daray waxa uu u muuqday in Xarakadda Alshabaab ay ka qaadeen Fir Fircooni, Madaxwaynaha Hadalkiisa, sidii Shini Meel Tuuran oo barfuum lagu Buufiyay.

Maalintii ugu horeeysay ee bisha Ramadaan waxaa meel fagaare oo waligeed aan wax lagu dillin lagu dillay laba askeri oo taraafiko ah meesshaas oo aheyd Laamiga dabka oo ah meel aad ay ugu badan yihiin ciidamada dowlada.

Maalintii xigtay sidoo kale, waaba ay kasii dartay xaallada, waxaana ay gaartay tiro ku dhowaad illaa 11 askeri Shan maalmood gudahood, waxaana ka sii daran maanta oo meel iyadana ah Fagaare oo ay Ciidamadda Dowladda Fariisimo ugu yaallo lagu dillay Xildhibaan Ex Sareeye Guuto General Maxamed Maxamuud Xeyd. waliba gaariga rasaaseyay Xildhibaankan marka uu hubsaday geeriddiisa isaga & illaaladdiisa dhaqaajiyay iyaddoo xildhibaan kalena dhaawac fudud soo gaaray, gaarigaas oo aan la soo qaban oo baxsaday ugu danbayntii.

Hadaba maadaama xaalka sidan uu yahay ayna xarakadda Shabaab ay xoog hor leh la soo baxeen, soo lama oran karo madax waynaha Hadalkiisa waxa uu ullajeedday NAXDIN KU AFUR, waayo dadkaan la dillay dhamaan dad ayaa dhallay, waxayna leeyihin Caruur & Xaasas, dhamaan markii ay eheladoodda Maqleen Geeridoodda waa ay arga gaxeen, Waa naxdin Ku afur.

Dilka xildhibaankan ayaa sheegatay Xarakadda Alshabaab waxayna ku faaneen in ay iyaga ka danbeeyeen waliba ay sii beegsan doonaan.

ma jirto wax war ah oo dowladda ka soo baxay illaa markii ay dillalkan bilowden illaa in ay Cambaareeyaan & in ay yiraahdeen waa lasoo qaban doonaa, dadkii ka danbeeyay, waxaana aad ugu xumahay iyadddoo bi barakaysan lagu jiro oo dhiiga la sii daadinayo dowladana aan waxba ka qaban.

W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Email asaddhayow@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com