Top News:Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dilkii Marxuum Xildhibaan Xayd.

0

Muqdisho,3 Juun 2014- Madaxeweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dilkii maanta magaaladda Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee marxuum xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd) oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo askarigii ilaalada ahaa ee la socday.

Madaxweynaha ayaa marka hore tacsi u diray eheladdii, qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday Allaah naxariisee Marxuum Maxamed Maxamuud (Xayd) iyo askarigii la socday. ” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alaah naxariisto Jannadii Fardowsana Alaah haka waraabiyo. Marxuum Maxamed Maxamuud (Xayd) sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed dadka dhaawaca ahna Allah ha caafiyo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha ayaa amar ku siiyey hey’adaha ammaanka ee ku shaqada leh ka hortaga iyo dabal-galka arrimahaan inay si deg deg ah war uga keenaan falkaan iyo falalka noocaan oo kala ah ee ka dhacay Muqdisho.

“Hey’adaha Ammaanka ee ay shaqadoodu tahay inay ka hortagaan falkaan oo ay kooxaha nabad diidku sameyeen nooca ay doonaanba ha ahaadeene waa inay sababtu soo cadeeyaan. Hey’adaha amniga waa inay sameyaan baaritaan natiijadiisu aan ka sugi doono. Shacabka Soomaaliyeed uma dulqaadan karo sii socoshada dilalka qorsheysan ee kooxaha naf lacaariga ah sameynayaan” ayuu yir madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri.” Kooxaha dhagar qabayaashu ee rabitaankooda yahay inay umadda argagixiyaan xili bisha Ramadaan waxaan leeyahay dhammaan masuuliyiinta dalka, ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar ayey u yihiin inay Dalka iyo Diinta idinka difaacdaan isku dayga aad sameyneysaanna amniga iyo dadaalkeennu waxba uma dhimi doono”.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ciidamada ammaanka ku garab siiyaan sidii kooxahan sharciga loo horkeeni lahaa.

DHAMMAAD


For more information please contact: 
Shador Haji Mohamud 
Senior Press Officer 
Office of the Somali President 
E 1: shadorhaji@presidency.gov.so E 2: shadoor150@gmail.com 
Twitter: @thevillasomalia/@Shador_Haji https://www.facebook.com/Shadorhaji

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com