Dowladda Iiraan Oo Diyaarado Dagaal Ugu Deeqday Dowladda Ciraaq, Si Ay Ula Dagaalanto Sunniyiinta Xagjirka Ah Ee ISIS.

0

Muqdisho, AGGM: Dowladda Iiraan ayaa diyaarado dagaal ugu deeqday dowladda Ciraaq, si ay ugu adeegsato dagaalka ka dhanka ah xoogaga ISIS ee la baxay Khilaafada Islaamiga.

Iiraan ayaa horay u balan-qaaday in dowladda Ciraaq ay ka taageerayaan dagaalka lagula jiro kooxda Islaamiga ee Daacish iyo suniyiinta taageeraya ee qabsaday dhamaan magaalooyinka dalka.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in dowladda Ciraaq ka taageero dagaalka ka dhanka ah kooxaha kacdoonka ka wada dalkaas ee la wareegay dhul badan oo dalkaas ka tirsan.

Ruushka ayaa maalmo ka hor gaarsiiyay dowladda Ciraaq diyaarado dagaal, waxaana taageeradan ay qeyb ka tahay dadaalada la doonayo in lagu hakiyo kooxaha islaamiyiinta ee qabsaday qeybo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya.

Laakiin waxaa is weydiinta leh in Iiraan iyo Mareykanka in hal dan isugu keentay oo ah arrinta Ciraaq, waxaana labada dhinac ay u muuqdaan kuwo midka ka ah dagaalka kooxaha suniyiinta ku hayaan dowladda Ciraaq.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Nouri Al-Maliki ayaa ka digay Khilaafada islaamiga ee lagaga dhawaaqay Ciraaq iyo Suuriya, waxaana uu cadeeyay in qatar ku tahay dalalka Gobolka oo dhan.

Kooxda Islaamiga ee Daacish ee ISIS ayaa maalin ka hor ku dhawaaqday dowlad islaami, waxaana khaliifka dowladdaas lagu magacaabaa Abuubakar Al-Baqdaadi oo lagu tilmaamo nin aad u xirfado badan, kaasoo aan wax fagaare ah lagu arag.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com