Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyay Xal U Raadintii Dagaal Beeleedyadii Ka Dhacay Nawaaxiga Balanbal

0

Balanbal(AGGM): Odayaal iyo waxgarad ayaa dhawaan ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo waramayaa inaysan wali kala dhexgelin dhinacyadii dagaalamay sababo cilado farsamo darteed.

Inkastoo ay jiraan dadaalo ay labada beelood ee dirirsan ay iskood u qaadeen si ay isku xakameeyaan ayaa haddana waxaa wali jirta cabsi ballaaran oo ka taagan deegaanada miyiga ah oo la cabsi qabo inay beelahaan isku ugaarsadaan.

Odayaasha iyo waxgaradka beelaha balanbal ayaa dhinacooda nabad ku baaqay, waxaana la rajeynayaa in dhawaan si guud loo soo afmeero dhibaatadaas ka dhex dhacday labada beelood ee walaalaha ah.

Wariye Nafiso Xirsi Ayaa sharaxaysa

 

 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com