Dhageyso: Dagaal Beeleed Dib Uga Soo Cusboonaaday Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Muqdisho, AGGM:Xaalada deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa saaka degan, kadib markii shalay dagaal beeleedkii Gobalkaasi dib ay kaga soo cusboonaadeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalkaasi.

Dadka deegaanka ayaa Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, waxa ay usheegeen in Xaalada saaka ay tahay mid degan, laakiin ay suuragal tahay in marwaliba uu halkaasi ka dhaco dagaal labada dhinac khasaro kasoo kaal gaarto.

Deeganadii shalay lagu dagaalamay ayaa waxa ay kala yihiin Buushka, Keli Caafimaad NO.60 iyo inta udhaxeyso KM50 iyo Buushka.

Gaadiidka wadooyinkaasi isticmaali jiray ayaa hakad iminka kujira, waxaana ay sababta tahay in wadooyinka qaar ay fadhiyaan maleeshiyo beeleedka oo gaadiidka ay kala dagayaan dadka kadibna ay dilayaan, halka wadooyinka qaarna ay yihiin kuwa ay gooyeen Biyaha roobabkii da’ay.

Dagaal beleedka Gobalka Shabeelaha Hoose, weli xal uma aysan helin Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana lasoo warinayaa in dagaaladii shalay khasaaro dhimasho iyo dhaawac kala duwan uu ka dhashay.

 


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com