Top News:Diblumaasi Cabdi-sataar Xasan Cali Oo Shalay Ciidamada Kenya Ay Xabsiga U Taxaabeen

0

Nairobi, AGGM: C/sataar Xasan Cali oo mar ahaan xoghiyihi sadexaad ee safaarada Soomalida Kenya ayeey shalay ciidamada Booliska Kenya ka xireen hotel Liaco xili uu halkaas ka afurayey.

Diplumaasigan ayaa waxaa lagu xiray xabsiga Kalamani ee magaalada Nairobi halkaas oo ay booliska su’aalo ku weydiinayan.

Safaarada Soomaalida ee Kenya oo aan la xiriirnay ayaa arinkaas ka gaabsatay , inkastoo ehelkiisa ay sheegeen ineysan aqoon waxa loo xiray sarkaalkan.

Horey waxaa Nairobi ugu xirnaa Ilyas Yusuf Warsame oo ahaa xogyihi sadexaad ee safaarada , waxaa isla bilo ka hor ay Booliska Kenya xireen Siyaad oo ahaa qunsulki safarada inkastoo ay dib ka sii daayeen.

xiriirka Soomaaliya iyo Kenya aya waayadan ahaa mid aan fiicneyn tan iyo markii Soomaalida lagu bilaabay masafurinta ama u celinta dalkooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com