Dhageyso: Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xalay shir Jaraaid Ku Qabtay Xaafada Suuqa Xoolaha..

0

Muqdisho, AGGM:Wasiirka arimaha gudaha iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa xalay socdaalo ku tagay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo xubnahan ay xalay ku afureen Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.

Intaasi kadib Masuuliyiinta ayaa tagay Isgoyska Baar ubax iyo Isgoyska Cali Kamiin ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo halkaasi uga sii gudbay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo hadalka ku horeeyay, ayaa wuxuu sheegay inay muuqato in uu wanaagsan yahay amniga Magaalada Muqdisho, markii uu sheegay in si nabadgelyo leh ku soo marayn dhowr ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, sida uu yiri.

Gudoomiyaha, ayaa soo hadalqaaday in xilli hore leesla dhex mari jiray in amni xumo ka jirto Magaalada Muqdisho, balse xilligaan ayuu ku faanay in isbedel weyn uu ku yimid hanaankii amni ee Caasimada.

Duqa Magaalada Muqdisho wuxuu ammaan u jeediyay Ciidanka Dowladda ee ka shaqeynaaya nabadgelyada Caasimada, wuxuuna reer Muqdisho ku booriyay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa wuxuu dhankiisa uu sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho uu wax weyn iska bedelay, waxaana hadda joognaa buu yiri meel ku dhow xadka Gobolka Banaadir uu la wadaago Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka, ayaa hoosta ka xariiqay in amniga ay ku jooggaan meel ku dhow xadka Gobolada Banaadir iyo Shabaallaha Dhexe, ay suurta geliyeen Ciidamada Dowladda Somaliya, isagoona taasi ku ammaanay.

Wasiir Goodax wuxuu dadka reer Muqdisho uu ka codsaday inay la shaqeeyaan Ciidanka Dowladda, soona sheegaan cid kasta oo ay u arkaan inay khatar ku tahay nabadgelyada Magaalada Muqdisho.

Inkastoo marxalado adag ay ku shaqeynayaan Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxay hadana ammaan ka dhaliyeen qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo goobo Magaalada ka tirsan lagu dhibaateeyo shacabka.

 


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com