Daawo Sawirada:Dr. Abdirahman Beileh oo ka gudoomay Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya warqadaha magacaabistiisa.

0

Mogadishu, July 02, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka gudoomay Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian warqada magacaabistiisa , waxaana munaasabadaasi oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda goob joog ka kala ahaa agaasinka guud ee habmaamuuska qaranka iyo agaasimaha waaxda Asia ee Wasaaradda .

Kulan gaar ah ayey wada yeesheen Wasiirka iyo Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya , iyadoo fadhigaasi looga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya , iskaashiga dhinacyada badan leh , dib u furidda safaaradda cusub ee China iyo qodobo kale .

Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Wasaaradda , ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo China uu ka dhaxeeyo Xiriir fog , waxa uuna yiri “dowladda China waxa ay garwaaqsatay waxqabadka dowladda Federaalka Soomaaliya ay la soo ban-baxday labadii sano ee ugu dambeysay ,waxa ayna go’aansatay inay dib u furto Safaaraddii ay ku laheyd Caasimadda Muqdisho oo la xiray bilowgii sanadkii 1991-kii oo dalka uu ka qarxay xilligaasi dagaal sokeeye”.

Mr. Wei Hongtian , waxa uu balan-qaaday inuu xoojinayo , sare u qaadi doono Xiriirka iyo Iskaashiga dowladdiisa kala dhaxeeya Soomaaliya , isagoo u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed nabad,xasilooni,horumar , barwaaqo iyo nolol wanaagsan .

Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya ayaa kahor intaanu warqadaha gudbin , waxa isaga iyo diblomaasiyiinta kale ee wehlisa ay kulan gaar ah la yeesheen Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed .

Dhanka kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa shir jaraa’id oo gaar ah oo uu ku qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa waxa uu kaga hadlay horumarka iyo waxqabadka Wasaaradiisa , waxa uuna yiri “ Mr.Wei Hongtian oo ah Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya oo aan warqadaha ka gudoomay maanta, waxa uu ka dhigan yahay wakiilkii 49-aad ee warqadaha laga gudoomo oo ka howlgala Soomaaliya”.

Dr. Abdirahman Beileh , waxa uu sidoo kale sheegay in lixdii bilood ee ugu dambeysay Wasaaradiisu ay xoojisay xiriirka dibadda , isagoo sheegay in ay korodhay tirada danjirayaasha warqadahooda magacaabista gudbinaya , iyadoo labadii todobaad hal danjire warqadaha laga gudoomo , waxa uu yiri “ tallaabooyinkaasi waxa ay tilmaan u yihiin in Soomaaliya ay dib u soo kabatay, caalamkuna uu ku qancay waxbqabadka dowladda”.

Wasiir Beileh , waxa uu intaa sii raaciyay “ maanta waxa ay ka mid tahay maalmaha wanaagsan ee Soomaaliya , Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay Ramadaan Kariim , China waxa ay dib u fureysaa Safaaradeedii Muqdisho, waa dal saaxiib ah oo 25 sano kahor mashaariic horumarin ka fuliyay dalka,waxaanu u baahanahay in dib loo soo celiyo mashaariicdaasi , waxaanu dooneynaa in aanu ka helno qeybteena deeqaha lacageed ee China ugu tala-gashay horumarinta Africa oo dhan $30 Billion, si dalkeena aan ugu dhisno”.

Waxaa xusid mudan , in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka China oo soo taxanaa muddo hadda laga joogo 600 sano , iyadoo Culimada iyo Ganacsatada China ay booqdeen deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya sanadkii 1420-kii (Miilaadiyah) si isdhaafsi ganacsi ,dhaqan iyo dhaqaale ula wadaagaan dadka Soomaaliyeed .

Dowladda China ayaa aqoonsatay qaranimada iyo gobonimada Jamhuuriyadda Soomaaliya 14 –kii bishii December sanadkii 1960 –kii , taa badalkeeda Dowladda Soomaaliya waxa ay hormuud u aheyd , olole hogaamineed u noqotay dowladihii u codeeyay in dowladda China ay xubin buuxa oo joogta ah ka noqoto Golaha ammaanka, taasoo u suura-gelisay Xukuumadda Beijing inay yeelato awoodda codka qayaxan ee diidmada .

DSC06685 DSC06682 DSC06680 DSC06678 DSC06676 DSC06675 DSC06673 DSC06672 DSC06671 DSC06669 DSC06668 DSC06667 DSC06666 DSC06663 DSC06659 DSC06658 DSC06656 DSC06655 DSC06653 DSC06651 DSC06650 DSC06649 DSC06645 DSC06644 DSC06638 DSC06634 DSC06633 DSC06632 DSC06626 DSC06617 DSC06615 DSC06693 DSC06690

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com