Top News: Sadex Askari Oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Lagu Dillay Magaalada Muqdisho Iyo Balanqaadki Sugida Ammaanka Ee Dowladda Oo Mugdi Ku Jira.

0

Muqdisho, AGGM: Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay maanta ku dilleen isgoyska Afarta Jardiino ee Muqdisho saddex askari oo ka tirsan booliiska Somalia, kuwaasoo la sheegay inay fadhiyeen sandaqad loo dhisay ciidamada si ay amniga uga ilaaliyaan.

Dad ku sugna goobta uu dilka ka dhacay goobta uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay wateen gaari yar ayna si lama filaan ah u toogteen askarta, iyagoo toogashada kaddib ku baxsaday gaarigii ay wateen.

“Askarta la dilay waxay ahaayeen saddex askari oo mid ka mid ah uu qori haystay halka labada kalena ay ahaayeen kuwo gacmo bannaan. toogashada kaddib kooxihii hubeysnaa oo watay gaari yar way baxsadeen,” ayuu yiri goobjooge la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta dowladda.

Dilkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka dhacayeen Muqdisho falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Sidoo kale, goobjoogayaashii ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in askarta la dilay laga toogtay qaybta sare ee jirka, iyadoo goobta ay soo gaareen xilli dambe ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaanno sameeyay.

Arrimaha dilalka qorsheysan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay horay u sheegeen inay diyaariyeen barnaamij ay ugu magic-dareen nabad ku afur oo loogu talo-galay in lagu sugo ammaanka magaalada Muqdisho inta lagu jiro Ramadaan.

Dhinaca kale, weerarradan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli afhayeen u hadlay Al-shabaab uu sheegay inay ka go’an tahay inay xoojiyaan weerarrada ka dhanka ah cidiamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka askartan, inkastoo ms’uuliyiinta dowladda ay weerarrada noocan oo kale ah ku eedeeyaan Xarakada Al-shabaab oo ay dagaal kula jiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com