Top News: Qarax Shalay Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Oo Dhaliyay Khasaaro Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac.

0

Kismaayo (AGGM):Qarax nooca miinooyinka dhulka lagu aaso oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, iyadoo qaraxani lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa maleeshiyada Raaskambooni.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan islamarkaana daryankiisa laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Shaqaalaha, waxaana lala beegsaday gaari nooca Noah-loo yaqaan oo ay lahaayeen Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee Kismaayo.

Ilaa hadda inta la ogyahay laba Maleeshiyo ayaa ku dhaawacantay, iyadoo uu ku dhintay qof rayid ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, kaasoo ku dhintay firir ka dhashay qaraxa.

Qaraxa kadib ayaa waxa goobta gaaray Rag ka socday maleeshiyada Kambooniyiinta, waxayna halkaasi ka bilaabeen howlgallo baaritaan ah, iyagoo xiray dhamaan wadooyinka soo gala halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xaaladda ammaan ee magaalada Kismaayo ay mudooyinkii u danbeeyay ahayd mid dagan, waxaana hada ku bilowday qaraxyo aan la aqoon cida ka dambeysa, balse lala eeganayo maleeshiyada xooga ku heysata magaalada Kismaayo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com