Daawo: Magaalooyinka Caabudwaaq Iyo Balanbale Oo Laga Xusay 1-da Luulyo.

0

Caabudwaaq, AGGM: Munaasabad lagu maamuusay 54 sano-guuradii ka soo wareegtay xornimadii gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo midnimadii gobollada koonfur iyo waqooyi ayaa xalay lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, Cabdirisaaq Xasan Cowl ayaa xafladda ka jeediyay khudbad ku saabsan halgankii gobannimo-doonka iyo ahmiyadda midnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay horumar iyo baraare.

Sidoo kale, deegaanka Balamballe ee isla gobolka Galgaduud ayaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu maamuusay 1-da Luulyo.

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Balamballe, Hareeri Xasan Barre ayaa dadka ka qayb galay xafladda kula dardaarmay in da’ yarta Soomaaliyeed la fahamsiiyo halgankii adkaa ee laga soo maray xornimada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com