War Deg Deg Ah: Falaagada Al Shabaab Oo Caawa Weerartay Xarunta Gobolka Banaadir.

0

Muqdisho (AGGM): Dagaal yahano hubeysan oo lagu tilmaamay falaagada Al Shabaab ayaa Caawa Dagaal Xoogan waxey ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Kooxaha lagu tuhmay Al Shabaab ayaa Weeraray Hoteelka Ramadaan oo ka soo horjeeda Xarunta Maamulka oo isna la weeraray waxaana la sheegay in Weerarkaasi uu Qasaaro kala duwan ka soo ka dhashay.

Dagaal Culus ayaa waxuu ka socdaa Afaafka hore ee Xarunta Maamulka Gobolka iyo Hoteelka kaa oo u dhaxeeyo Ciidamada Ilaalada Xarunta iyo Hoteel iyo kuwa Dagaal yahadan lagu eedeeyay falaagada Al Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga Qasaaraha Nafeed iyo midka Hantiyadeed ee ka dhashay Weerarkan la sheegay lagu galay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo Weerarkan ayaa waxuu imaanayaa Iyadoo dhawaan Ururka Al Shabaab ay wacad ku mareen in Weeraradooda ay kordhin doonaan inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com