Dhageyso:Wasriika Diinta Iyo Awqaafta Maamulka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame”Col. Bare Hiiraale Awood Ciidan Ayaa Loo Adeegsanayaa”.

0

Muqdisho,AGGM—–Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku sugan Wafdi ka socda Maamulka la magac baxay Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Diinta Awqaafta Cismaaciil Maxamed Warsame.

Wafdiga ayaa waxaa ay kulamo la qaateen horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni,iyadoona la sheegay in Kismaayo ay u tageen soo afjarida Xiisada Magaalada Kismaayo ee ku aadan Arinta horjoogeyaasha maleeshiyada Raaskambooni iyo Cornel Barre Hiiraale.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Puntland Cismaaciil Maxamed Warsame oo la hadalay Warbaahinta ayaa sheegay in hadii Wadaxaajoodka uu diido Barre Aadan Shire Barre Hiiraale Awood Ciidan loo adeegsan doono.

Maamulka Puntland ayaa ka mid ah Maamulka sida dhaw u Taageera Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni  ee Fadhigiisu yahay Magaalada Kismayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com