Dhageyso+Sawiro:Qarax Ay Laba ruux Ku Geeriyootay Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho,AGGM—–Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac Dad badan oo shacab ah ayaa waxaa uu Goor dhaw ka dhacay Degmada kaaraan Ee Gobolka banaadir Halkaas oo la soo sheegayo in Khasaaraha ka dhashay uu Gaarayo ilaa 10 Ruux oo Dhimasho iyo dhaawac ah.

Qarax oo ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la dhigay Xafiiska ay Dowladda Hoose leedahay oo Lacago Canshuur ah lagu qaadayay waxaana la soo sheegayaa in 2 ka mid ah Askartii Minishiibiyada ahayd Ee Xafiiska ku sugnaa ay ku dhinteen iyadoo 7 kale oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen .

Ciidamada amaanka Degmada ayaa Goobta qaraxu ka dhacay Durba Gaaray waxaana ay Halkaa ka sameeyeen Baaritaano ay ku raadinayaan dadka qaraxa fuliyay iyagoo mudo xiray Agagaarka Gobta qaraxu ka dhacay .

Gudoomiyaha Degmada kaaraan Ee Gobolka Banaadir Axmed Xasan Yalaxow ayaa Goobta Qaraxu ka dhacay gaaray waxaana uu ka hadlay Saxaafada isagoo sheegay in ay baarayaan Falkaan ayna ka Feejigan yihiin Falal amaanka qatar ku ah oo Degmadaas ka dhaca waxaana uu xaqiijiyay Dhimashada 2 askari iyo Dhaawaca 7 kale .

NI3 NI2 NI1 NI

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com