Dhageyso: Maxaa Kala Qabsaday Xildhibaan Jeesow Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka 3-da Gobol Ee koonfur Galbeed.

0

Muqdisho (AGGM): Barnaamij xalay laga sii daayay mid ka mid ah Warbaahinta gudaha ayaa waxaa fooda isku daray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka 3-da Gobal ee Koonfur Galbeed.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka seddexda gobal Maxamed Xasan Fiqi ayaa soo qaaday intii lagu guda jiray barnaamijka in uu dhawaan booqdaymagaalada Marko inta aysan ka dhicin dagaaladi ugu dambeeyay, waxuuna sheegay inuu u ololeenayay sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dadka dagaalamayay.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo u jawaabay Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa uu yiri “Marko waxaa ku geeyay Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed isagaana maleegayay shirqoolka waxaan ka dhacayna gobolka Shabeellaha hoose isagaa ka mas’uul ah.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com