Top News: QM Oo Dowladda Kenya Ka Gacan Siineeyso La Dagaalanka Argagixisada.

0

Nairobi,AGGM—-Xoghayaha guud ee qaramada midoobe Mr Banki-moon kadib kulan uu laqaatay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in qaramada midoobay ay u balanqaadeeso dowlada Kenya iney kasaacidi doonto ladagaalanka arga-gixisada.

“Inaga iyo dowlada Kenya waxaynu kawada shaqeyndoonaa Kahortaga argagixisada weerarada ay doonayaan iney kusooqadaan dalka iyo dadka “ ayuu yiri Mr Ban-kimoon

Mr Banki-moon ayaa hadalkiisa kusii daray “waa rajadeyda in madaxweyne Kenyatta hugaamintiisa hagaagsan ,Kenya ay kuraaxeesandoonto barwaaqo iyo nabad ”.

Xoghayuhu wuxuu wal-wal kamuujiyay xaalada amaan ee dalalka South Sudan,Somalia,iyo wadamada haraha dhaca isagoo sheegay in qaramada midoobe arintaa ay eegi doonto.

Kenya ayaa lakulmeesay weeraro joogta ah wixii kadambeeyay markii ciidamadeyda gudaha ay usoo galeen Somalia sanadkii 2011,waxaana ugu dambeeyay weeraradii Al-shabab ay kuqaadeen magaalada Mpeketoni oo ay kudhinteen in kabadan 65 ruux madaxweynaha Kenya uu ku eedeeyay iney kadambeeyaan siyaasiin reer Kenya ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com