Sadex Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Muqdisho Lagu Dilay..

0

Muqdisho (AGGM):Kooxo Bistoolado ku hubeesan ayaa maanta Isgooska Debka ee Magaalada Muqdisho oo ka mid ah goobaha ugu amaanka wanaagsan Magaalada, waxa ay ku dileen labo askari oo katirsanaa Ciidamada ilaalada Wadooyinka xili ay ku guda jireen howlahooda shaqo.

Taliyaha Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Jen Cali XirsiBarre (Cali Gaab) ayaa xaqiijiyay in labo askari oo katirsanaa Ciidanka Nabad galyada Wadooyinka maanta lagu dilay Laamiga Maka Al-mukarama gaar ahaan isgooska Dabka.

Jen Cali Gaab ayaa sheegay in ay baxsadeen kooxihii dilka u geestay labada askari ee katirsanaa Ciidanka Taraafikada , waxa uuna ku hanjabay in ay gacanta kusoo dhigi doonaan ragii dilkaasi ka dambeyn ayna horgeyn doonaan Sharciga.

Dhinaca Kale Askari katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ,waxaana dilka ka dib la sheegayin askarigaasi laga qaatay qorey AK-47-uu watay.

Dilalka Maanta xili dharaar cad ah ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili la guda galay Maalintii koowaad ee Bisha Barakeesan ee Ramadaan, waxa ayna Dowladu sheegtay in la diyaariyay Ciidamo loogu magac daray Nabad ku afur oo loogu tala galay xaqiijinta amaanka Caasimada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com