Dhageyso:Madaxweyne Xasan Sheekh ”Al Shabaab Ma Soomaan, Mana Salaadaan, Islaamna Ma,ahan”.

0

Muqdisho (AGGM):Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay Dagaalada Dowladu kula jirto Al shabaab isagoo Madaxweynuhu Eedeyn dusha uga tuuray Ururkaas waxaana uu xusay in ay Gacan bir ah ku qabanayaan oo ay ka ciribtirayaan Dalka .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu Al shabaab ku sheegay Koox Aan Diin lahayn oo banaanka ka ah Diinta Islaamka Salaad iyo soon Koox aan isku dayin ayuu ku sheegay Madaxweynuhu Isagoo u Daliishaday in Bisha Cibaadada ay Dadka dilaan Xiliga Salaadana ay Masaajid Iridkooda u istaagaan Dadka si ay u dilaan .

“Waxaan idiin sheegayaa Al shabaab Diin Maleh ma tukadaan ma soomaan Iyaga iyo ala ka cabsi waa kala fog yihiin anaa idiin xaqiijinaya  Dadka ayay Masaajidada u istaagaan Bisha Cibaadada Ee Soonka ayay dilaan QOf kale oo sooman “ayuu yiri Xasan Sheekh .


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com