Top News:Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Ghana.

0

Muqdisho,AGGM—Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Ghana, halkaasi oo ay kaga qeyb geli doonaan shir looga hadlayo dimoqraadiyadda iyo nidaamka doorashada, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen hayado arrimahaasi ku shaqo leh.

Wafdiga Wasiir ku-xigeenka waxa ay isugu jiraan Xildhibaano iyo xubno kale oo ka kala socday hay’adaha dowladda, waxaana Wasiir ku-xigeenka Mduane Cabdullaahi Colaad Rooble oo gudaha garoonka kula hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirkaasi ay horgeyn doonaan qorshayaal, islamarkaana inta uu socdo ay ku soo bandhi doonaan warbixino ku saabsan talaaboyinka horumarka ah ee ay gaartay dowladda iyo in dalka la gaarsiiyo nidaamka doorashada xorta ah, “Hal qof hal cod”

Shirkan oo socon doono muddo afar cisho ah ayaa inta uu socda waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo sidii loo taabo gelin lahaa doorashooyinka la filayo in dalka uu ka qabsoomo sanadka 2016-ka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com