Dhageyso:Xiritaanka Kalafadhiga 4aad Ee Baarlamaanka Oo Dib U Dhacay..

0

Muqdisho,AGGM—-Waxaa maanta uu dib u dhac ku yimid Xiritaanka Fadhiga Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday in maanta la soo xiro, kala fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya,maadaama Gudoonka Baarlamaanka uu hore u sheegay in Bisha Ramadaan Xildhibanad la Fasixi doono.

Baarlamaaka ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho,waxaana Baarlamaanka maanta loo qeybiyey Mooshin ku saabsanaa Sharciga Gudiga Garsoorka,kaasi oo ku dhawaad 20 Xildhibaan ay soo gudbiyeen,waxaana Xildhibaanadaas ay ka soo horjeedaan in Xeerkaas uu Baarlamaanka Meelmariyo.

Baarlamaanka waxaa maanta sidoo kale ka dhex Muuqday Xilidhibaano maalmahaan ka maqnaa Fadhiga Baarlamaanka,ka dib markii Waxgaradka Hawiye ay Amreen in Shaqada aysan aadin in kastoo dhawaan ay u amreen in ay Howshooda shaqo ku laabtaan .

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhawaan sheegay in Baarlamaanku uusan shaqeyn Doonin Bisha Barakeysan Ee Ramadaan oo Fasax la gali doono Gudoomiye jawaari ayaana hada Dalka ka maqan isagoo ku sugan Dalka Djibouti .


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com