Dhageyso:Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan Diyaarinay Barnaamij Loogu Magac Daray Nabad Ku Afur”.

0

Muqdisho,AGGM—Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ay bisha Ramadaan diyaarisay qorshe loogu magac daray “Nabad Ku Afur” kaasoo loogu talagalay in looga hortago falalka argagaxinta ah ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab geysan karaan bisha Ramadaan gaar ahaan xiliyada afurka iyo cibaadada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu horeyn shacabka Somaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo caawa ku beegan sida ay shaacisay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa u rajeeyay inay nabad ku soomaan, nabadna ay ku afuraan

“Dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah meelkasta oo ay ku noolyihiin waxaan leeyahay Ramadaan Kariim, waxaan rajeyneynaa in soonkan uu noqda kii ay Soomaali oo dhan ay isku cafin lahaayeen, isuguna naxariisan lahaayeen, dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa Walaalahooda danyarta ah inay kaalmeeyaan, in qofkasta uu xaqiijiyo walaalkiisa Soomaaliga ah ee dariska la ah in afur hayso, haddii uusan haysanina aad la wadaagto inta uu Alle ku siiyay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay diyaarisay qorshe loogu talagalay in lagu xaqiiyo amniga oo loogu magac daray “Nabad Ku Afur” bisha Ramadaan awgeed, si looga hortago falalka amni darri ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab xiliyada afurka iyo salaadaha.

“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed aan u sheego in dowladdu ay diyaarisay qorshe ku aadan sugidda amniga, si kooxaha nabad diidka looga hortago in Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ay carqaladeeyaan cibaadada Alle, waxaana shacabka ka codsaneynaa inay ciidamada kala shaqeeyaan hirgelinta arrimahaasi” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Alle uga baryay dhalinyarada ay qaldeen kooxda Al-Shabaab in uu Alle soo hanuuniyo oo ay ka toobad keenaan dhibka ay bulshada u geysteen.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli ay bilaabaneyso bishii Barakeysneyd ee Ramadaan, iyadoo ciidamada amniga ay diyaar garow xoogan ugu jiraan ka hortagga qul qulutooyinka amni ee Caasimadda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com