Dhageyso: Xildhibaan Jeesow “R/wasaare Cabdiweli Jooji Shirqoolada Aad Maleegeeyso Iyo Qancinta Axmed Madoobe”.

0

Muqdisho, AGGM: Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa si kulul uga soo hor-jeestay aqoonsigii Maamulka saddexda Gobol ee Bay iyo Bakool, isagoo ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu raali gelinayo Axmed Madoobe.

Dahir Amiin Jeesow oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa si kulul u naqdiyay hadalkii Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, kaasoo ahaa in cidii heshiiskan ka soo horjeesata loola dagaalamo sida Shabaab.

“Waxaa nasiib daro ah Maxamed Cabdi Afey dalkan ma xukumo, Madaxweyne adigaa dalka xukuma ee ii sheeg qofkii heshiiska diiday ama farta noogu fiiq markuu leeyahay, aniga diidaya haloo sheego”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Waxaa uu sheegay in arrimaha maamul u sameynta uu go’aan ka gaaristooda iyo xeerkooda uu hor yaalo baarlamaanka, isagoo xusay in arrinta aqoonsiga saddexda gobol uu yahay mid fowdo ah oo la doonayo in dagaalo sokeeye lagu huriyo.

“Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sameeyay wax aan sharciga waafaqsaneyn, Baarlamaanka ayaa go’aan ka gaaraya arrimaha maamul u sameynta, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu raali gelinayaa Axmed Madoobe, cid walba waa la xisaabinayaa, wax sharcima ahan Maamuladan dhan ee hada is bar bar yaacaya”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow

Maalmo ka hor ayay aheyd markii heshiis lagu saxiixay Madaxtooyada lagu aqoonsaday Maamulka saddexda gobol, iyadoo munaasabada heshiiskaas ay ka qeyb galeen madaxda dowladda iyo wakiilo ka socday Beesha Caalamka.
Hase ahaatee waxaa durba heshiiskaas ka hor yimid mucaarad iyo qeyla dhaan, iyadoo Maamulka uu hogaamiyo MadoobeNuunow ee lixda Gobol uu heshiiskaas ka soo horjeestay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com