Dhageyso: Dowladda Federaalka Soomaaliya”Ramadaan Waxuu Bilaabanayaa Maalinta Axada”.

0

Muqdisho, AGGM: Ku simaha Ra’isul Wasaaraha dalka ahna wasiirka wasaaradda Diinta Iyo Owqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed Oo Warbaahinta Qaranka Kala hadlay Umadda Soomaaliyeed ayaa sheegay barito in aysan eheyn soon islamarkaana ay tahay maalinta ugu dambeysay bisha Shacbaan.

ku siamaha Ra’isul wasaaraha dalka oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda diinta iyo Owqaafta ayaa ku dhawaaqay in barito aysan eheyn Soon kaddib markii kulan dheer ay ka galeen arrinkaan islamarkaana ay u cadaatay in barito aysan ramadaan eheyn, iyadoo mas’uuliyiintaasi ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda Diinta iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wasaaradda diinta iyo Owqaafta Sheekh Cali Sheekh Maxamuud , Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Kheyrow Aadan, iyo Guddoomiyaha hey’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com