Dhageyso: Afar Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Lagu Gubay Dalka Koonfur Afrika.

0

Johansberg, AGGM: Sida uu ku soo waramayo wariyeyaal ku sugan dalka  Koonfur Africa,muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa lagu gubay dalka Koonfur Africa gaar ahaan magaalada Johansberg.

Muwadiniin oo gaarayay ilaa iyo afar ayaa lagu gubay gudaha goobtooda ganacsi,ka dib markii weerar ku qaadeen kooxo burcad Koonfur African.

Mid ka mid ah milkiilaha goobta ganacsiga oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in kooxo hubeysan weerar ku qaadeen xarumo ganacsi oo ay ku sugnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed ka dibna dab qabadsiiyay.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dabka la qabadsiiyay ayaa la geeyay cisbitaal ku yaalo magaalada Johansberg halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Waxaana rajo wanaagsan laga muujinaya xaaladooda caafimaad.

Kooxo burcad Koonfur African ah ayaa fara kulul ku haya ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Africa,kuwaasi oo dhibaatooyin isugu jira dil,dhac iyo xad-gudubyo ku haya Soomaalida dalkooda dhibaatada kaga cararay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com