Daawo Sawirada:Maamulka Gobolka Benaadir oo shacabka ugu baaqay u diyaar garowga todobaadka xoriyadda.

0

Muqdisho, AGGM: Kulanka ay maanta Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir Maamulka Gobolka Benaadir oo ay ka qayb galeen Guddoomiyayaasha degmooyinka, uuna shir Guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab” ayaa looga hadlay qodobo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanayd Amniga Caasimada Muqdisho, munaasabada 1-da Luulyo, Bisha Ramadan iyo Nadaafada Caasimada.

Kulanka ayaa waxa lagu falaynqeeyay Xuska Munaasabadda 1-da Luuliyo iyo sida shacabka Muqdisho uga qayb qaadan lahayeen, waxaana kulanka kaddib ayaa waxa laga soo saaray qodabadan.

1) Maamulka Gobolka Benaadir waxa uu ku wargalinayaa dhamaan shacabka ku nool 17-degmo ee Gobolka in ay Nalal galiyaan,Nadiif ay ka dhigaan islamarkaana ay ku xiraan calanka Jamhuuriyada Federaalka Sooomaaliyana Banaanka hore ee guryahooda si ay ugu diyaar garoobaan xuska Munaasabada Xoriyada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo ku beegan 1-da Luulyo.

2) Maamulka Gobolku waxa uu ku wargalinayaa Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho in ay si qiiro iyo wadaniyada ku dheehantahay ay u soo dhaweeyaan todobaadka xoriyadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

3) Sidoo kale Maamulka Gobolka Benaadir ayaa taaba galinaya tartan aqooneedka Bisha Ramadaan ee ay ku tartamidoonan Gobolada dalka, waxaana qabanaya tartan cilmiyeedkan Idaacadaha Hoos ku Xusan.

1-Radio Muqdisho

2-Radio Shabelle

3-Radio Kulmiye

mug2 mug1 mug mug5 mug4 mug3
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com