Dhageyso: ICG “Dagaalka Al-shabab waa uu sii daba-dheeraan doonaa”.

0

Muqdisho, AGGM— Inkastoo la kordhiyay dagaalka lagula kooxda hubeysan ee Islaamiyiinta Soomaaliya ee Alshabab,hadana in la jabiyo ayaa adkaan doonto waxaney awoodayaan in ay baxsadaan tan iyo inta ay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamkaba aaney u istaagin sida looga hortagi lahaa dib-u-soo noolaashada isqab-qabsiga iyo kala aargudashada Jufooyinka isu ciil-qaba ama sad-buriga ah taasoona salka ugu weynay tahay habka loo marayo
maamul-goboleedyada.

‘Dowladda fedraalka Soomaaliya iyo xulafadeedaba waxa looga baahan yahay ayaa ah in ay weeraraan salka awoodda Al-Shabab iyadoo looga dayanayo habka ay siyaasad ahaan ku ugu adeegsanayo dadka rayidka ah oo ah in la siiyo waxa ay u baahanyihiin’ ayaa lagu yiri war uu soo saaray maamulaha Mashaariicda Kooxda I,C,G, ee geeska afrika, Cedric
Barnes.

waxa lagu xusay warbixinta ay soo saartay kooxda xasaradaha caalamka ee I,C,G, in Al-shabab dhulka ay ka taliyaan tixgelin gaar ah laga siiyo dadka laga tirada badan yahay taasoo fududeysay in ay la dhacaan dhaqankooda soona dhaweyaan siyaasaddooda waxa kale oo ay ka sameeyeen deegaanada ay ka taliyaan waxbarasho Islaami ah, sida warbixinta lagu yiri.

Waxa lagu muujiyay warbixinta I,C,G, in Al-shabab ay dhowr jeer ku guuleysatay maareynta colaada beelaha ku saleysan.

Markaa ka hor inta aan la sii wadin ololaha militari ee ka dhanka ah Al-Shabab, gar ahaan kuwa ku wajahan dhulka baaxadda leh ee miyiga ah ee wali ku jira gacantooda,Dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadooda gobolka iyo caalamka kale ee taageeraba waxaa looga baahan yahay in ay bilaabaan dadaalo-dib-u-heshiisiineed oo laga sameeyo goobaha laga saaray Al-Shabab.

Waxaa lagu soo gebagabeeyay warbixinta ay soo saartay kooxda Xasaradaha dunida ee I.C,G, dowladda Soomaliya iyo wadamada taageerad u fidiyaba waa in ay weeraraan salka awoodda Al-Shabab oo ah in looga daydo habka ay u soo jiitaan dadka shicibka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com