Shirkii AU oo lagusoo dhoweeyay horumarrada ay dawladda Soomaaliya ku talaabsatay.

0

Warsaxaafadeed- 26-06-2014 — Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wagfdiga uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka qaybgalay shirweynaha 23aad ee madaxda Midowga Africa oo maanta ka furmay magaaladda Malabo ee dalka Equatorial Guinea.
Waxaa shirka sanadkan diiradda lagu saaray horumarinta beeraha iyo amniga cunnada iyadoo looga dan leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka loogu jiro kor-u-qaadidda wax soo saarka beeraha.

Madaxdu waxaa ay ka hadleen samaynta istaraatiijiyad looga hortagayo faqriga, ka hortagga cunna xumida iyadoo loo marayo isbadallo cusub oo lagu sameeyo wax soo saarka beeraha, abuuritaanka iyo xoojinta xiriirka ururada beeralayda ah.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay dhiirigalinta iyo suuq-gaynta wax soo saarka beeraha, kobcinta aqoonta iyo xirfadda ay u baahan yihiin beeralayda iyo abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada.

Shirka AU ee ka socda magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa si weyn loogu ammaanay horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyadda nabadaynta beelaha Soomaaliyeed, dhismaha dawladnimo Soomaaliyeed, dhismaha nidaamka federaalka iyo hannaan loo wada dhan yahay in looga qaybgalo siyaasadda..

“Soomaaliya waxaa ay kasoo kabanaysaa dhibaatooyinkii horay u gaaray, waxyaabaha qorshaha noogu jiro waxaa kamid ah sidii dib loogu soo noolayn lahaa wax soo saarka beeraha Soomaaliya si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka , loona abuuro shaqooyin dadka Soomaaliyeed ay helaan si loo yareeyo shaaqo la´aanta.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

–END–

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Equatorial Guinea
Email: Media@opm.gov.so
Twitter: @Somalipm
Tel:00240551995529

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com