Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ban Ki-moon oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Malabo ee Equatorial Guinea.

0

Warsaxaafadeed— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan gaar ah magaaladda Malabo kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka qayb galaya shirka Midowga Afrika iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee Qaramada Midoobay ay ka ciyaarayso dawlad dhisidda Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Ban Ki-moon dadaalada joogtada ah ee dawladdu ay ugu jirto dawlad dhisidda, nidaamka federaalka iyo ku qaybsiga siyaasadda hanaan loo wada dhan yahay iyo in wada-shaqaynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay sabab u tahay in horumarro la taaban karo laga gaaray amaanka iyo siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu tusaale uso qaatay qorshaha hirgalinta nidaamka federaalka iyo howlgaladdii ciidamadda dawladda iyo AMISOM ay ku xoreeyeen magaalooyinka ay ku sugnaayeen kooxaha Nabad-diidka ah.

“Qaramada Midoobay waxaa ay gacan muuqata ka gaysatay amaanka, xasiloonida, dhismaha dawladnimada iyo taageero joogta ahwaan uga mahadnaqaynaa taageerada kala duwan. Waxyaabaha aan kala hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon waxaa kamid ah sidii Qaramada Midoobay ay u dadajin lahayd gargaarka aan doonayno in la gaarsiiyo qaybo kamid ah Soomaaliya oo ay ka jirto cunno yari, arrimaha qaxootiga iyo in ay Q.M ay sii xoojiso taageerada ay noola diyaarka tahay xiligan muhiimka ah .” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan dawladda Soomaaliya isla markaana ay go’antahay in ay Soomaaliya aysan dib ugu laaban dhibaatooyinkii ay horay usoo martay.

SG Trip

–END–

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Equatorial Guinea
Email: Media@opm.gov.so
Twitter: @Somalipm
Tel:00240551995529

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com