Dhageyso: Wasaarada Diinta Iyo Aw-qaafta “Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Xiliga Dadku Sooman Yihiin Maqaayadaha Lama Furi Karo”.

0

Muqdisho, AGGM:Wasaarada Diinta Aw qaafta Xukumadda Soonaaliya ayaa Digniin u dirtay Mulkilayaasha iska leh Maqaayadaha ku yaala Magaalada Muqdisho,taas oo ku aadan in Xili Soonka maalintii aan la arki karin maqaayado Furan oo dadka Cunada ka gadaya.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Xukumadda Soomaaliya Xaaji Maxamed Qeyrow oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan Aqbali doonin in a Furnaadaan Goobaha lagu Cunteeyo Bisha Ramadaan.

Isku soo wada duuboo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta  ayaa waxa uu ugu baaqay Ganacsatada in ay u gar gaaraan dadka saboolka ah ee aan waxba haysan.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com