Daawo Sawirada:Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Switzerland oo ka wada hadlay fulinta qorshe Soomaalida lagu fahamsiinayo Federaalka.

0

Mogadishu, June 26, 2014- Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Switzerland u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Domanic Landegenbacher , oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay qeyb ka aheyd xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga.

Kulanka ayaa lagu falan-qeeyay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo taageeridda hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya .

Safiirka dowladda Switzerland ee Soomaaliya , ayaa waxa uu u bandhigay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga in dowladdiisu ay daneyneyso inay ka caawiso hey’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya fulinta qorshe iyo olole Shacabka Soomaaliyeed lagu fahamsiinayo nidaam federaal oo ku dhisan sareynta sharciga iyo cadaaladda .

Kulankan oo sidoo kale looga dooday kobcinta iyo xoojinta danaha wadaagga ah ayaa ku idlaaday jawi sare oo isfaham leh .

DSC06379 DSC06377 DSC06374 DSC06373 DSC06366 DSC06365 DSC06359 DSC06357 DSC06382 DSC06381 DSC06376 DSC06375 DSC06368 DSC06367 DSC06363 DSC06362 DSC06356

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com