Warsaxaafadeed:Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari “Qof Walba Oo Soomaali Ah Waxaa Waajib Ku Ah Difaacidda Gobonimadeenna”

0

Muqdisho, AGGM:Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda 26ka June oo ku beegan caawa oo kale 54sano kadib markii ay gobollada Waqooyi ee Dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.

“Anigoo ku hadlaaya magaca Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed kana wakiil ah dhammaan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed, iga guddooma salaam diiran, qaddarin gaar ah iyo HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO ku aaddan sannadguurda 54-aad iyo habeenkan xusuusta mudan oo gobollo ka mid ah dalkeena hooyo ay xorrobeen,dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed waan ugu hambalyeeynayaa munaasabaddan qiimaha leh” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waa waajib muwaaddin kasta u xilsaaran in midnimada iyo difaaca dalkeena loo wada guntado, Gobannimada iyo sugidda ammaanka umaddeenana u wada duubano.

Ugu dambayentii waxaa Allahu swt ka baryeynaa in quluubteena isu soo wada dumo,wixii dhexdeena ah oo aan isku maandhaafnayna in uu si san, warsan iyo si suuban noogu islaaxiyo. Waxaan Allahu swt ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwii dhallinteena dhaxal wanaagsan u reeba, oo adduunyadooda ku dhaqdaan aakhiradoodana uga tabaasheystaan. Barbaarteenana inuu xilqaadiyaal suuban oo barakeysan inooga dhigo inta dhunsanna inoo soo hanuuniya… aamiin! Aamiin! Allahayow amiin!

Mar kale Hambalyo iyo isu soo hoyad wanaagsan

Wassalaamu Calaykum wa RaxmatuLlahi wa Barakaatuh

—DHAMAAD—
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com