Dhageyso;Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde Axmed Cali Wehliye Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Weerar Saaka Al Shabaab Ku Soo Qaadeen.

0

Buulo Burde, AGGM; Guddoomiyaha Degmada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan, ayaa faah-faahin ka bixiyay weerar rag ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay saaka ka geysteen Degmada Buulo burde oo ay ku weerareen Saldhig ciidamada Milateriga ay ku leeyihiin Degmadaasi.

Axmed Cali Wehliye (Waabweyne) Guddoomiyaha Buulo Burde oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in labo nin oo ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Milateriga ku leeyihiin Buulo burde.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in ragaasi waxyaabaha qarxa aysan ku xirneyn, balse ay ugu talo galeen inay dhintaan, waxaana ay wateen Qoryaha nooca loo yaqaan Ak47.

Saldhiga ay weerarka ku qaadeen raga Shabaabka ah ayuu sheegay inay halkaasi ku dileen labo kamid ahaa ilaaladii goobtaasi, intaasi kadibna uu dagaal kooban dhexmaray ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ragii hubaysnaa, waxaana ay taasi keentay in goobta lagu dilo labadii nin.

Xaalada Magaalada Buulo burde ayuu sheegay Guddoomiyaha inay hada tahay mid degan, oo aan ka jirin wax dhibaato ah, ciidamada ammaanka Magaaladana ay ku jiraan feejignaan buuxa oo ku aadan dhanka ammaanka.

Baraha Internetka ee Al-Shabaab ay ku baahiyaan wararkooda, ayaa waxaa lagu qoray in weerarka ka dhacay Buulo burde uu ahaa mid Ismiidaamin ah, Saraakiil Jabuutiyaan ahna lagu dilay, laakiin arintaasi waxaa beeniyay Guddoomiyaha Buulo burde oo sheegay in goobta uu weerarka ka dhacay aysanba joogin ciidamo Jabuutiyaan ah.

Lama oga wararka xaqiiqda ah, marka laga soo tago hadalka Guddoomiyaha Degmada Buulo burde uu ku sheegay in labo askari kaliya weerarkaasi looga dilay iyo labadii nin ee weerarka soo qaaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com