Dhageyso +Daawo: Munaasabadda Xuska 26-ka June Oo Magaalada Muqdisho Toos Uga Socota Iyo Khudbadi Madaxweyne Xasan Sheekh.

0

Muqdisho,AGGM—Waxaa magaalada Muqdisho caawa ka socota munaasibadda loogu dabaal deggayo xuska munaasibadda 26-ka, iyadoo dhammaan qeybbaha magaalada Muqdisho lagu xardhay Leyrar qurux badan iyo Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaban qaabada munaasibadda oo meelo kala duwan ka socota ayaa midda ugu ballaaran waxaa ka qeyb-geli doono madaxweynaha Soomaaliya waxa ayna ka socotaa xaruta dugsiga tababar ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho, ammaanka caasimadda ayaa si weyn loo adkeeyey, ciidammada ammaanka iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Shacabka reer Muqdisho ayaa si ka  badellan sanadihii hore u xusaya caawa munaasibadda 26-ka June oo ah markii ay xorriyadda ay qaateen gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waddooyinka magaalada caawa waa kuwa saxmad leh, dadka wajiyadooda waxaad ka dheehan kartaa farxad iyo sida ay hilowga ugu qabaan xusidda munaasibaddan weyn ee ka mid ah minaasibadaha dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu leeyahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb-galaya munaasibadda, waxaa xarunta ay ka dhici doonto heeso waddani iyo madadaallo kusoo bandhiggaya Hobollada Qaranka Waaberi iyo Fanaaniin caan ka ah Soomaaliya.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Calanka Oo La Saarayo.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Madaxweyne Xasan Sheekh.

Halkaan Ka Daawo 26-kii Juun 1960-kii.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com