Top News+Dhageyso; Caasimada Gobolka Galguduud Oo Xalay Laga Xusay 26-ka Juun.

0

Dhuusamareeb, AGGM:Munaasabad lugu maamuusayay maalinta qaran ee 26-ka bisha June oo ah maalintii ugu horraysay ee calan Soomaaliyeed oo xar ah laga taago gayigeenna ayaa xalay lugu qabtay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Galgaduud, kan degmada Dhuusamarreeb, cutubyo katirsan ciidammada qalabka sida iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha maamulka dowladda ee gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka hadlay munaasabadda ayaa dadweynaha ugu hambalyeeyey maalintan, isagoo xusay in halgan dheer loo soo maray helidda xoriyadda.

Wuxuu kula dardaarmay dadka Soomaalida inay ilaashadaan gobannimada,kana shaqeeyaan midnimada umadda.

Cirfo ayaa sidoo kale u hambalyeeyay dadka reer Jabuuti oo caawa saqda dhexe u dabaal degi doona 27-ka June oo ah maalintii ay xornimada qaadatay Jabuuti oo ku beegneyd 1977-kii.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com