War Deg Deg Ah:R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Oo Maanta U Dhoofaya Laba Dal Midkood Malaysia ama Equatorial Guinea.

0

Muqdisho, AGGM—Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu maanta u safrayo laba dal midkood Malaysia ama Equatorial Guinea.

Ilo Wareed ku sugan magaaalda Muqdisho oo si hosoe ugu waramay warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in hadda diyaaradi qaadi lahayd R/wasaare Cabdiweli sheekh Axmed ee diyaar ku tahay garoonka diyaaradaha Aden Cade ee magaalada Muqdisho lana sugayo in R/wasaaraha uu soo gaaro dhawaan.

Safarka R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa horey loo shaacin balse ilo wareedkeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in R/wasaaraha safarkiisa uu salka ku hayo dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda dalka iyo dhaqaalaha leeysu aruursanayo si nin walba kan kale uu meesha uga saaro.

Isku soo wada duuboo ma ay ahan marki ugu horeeysay ee madaxda dowladda Soomaaliya ay isu dhaqaale aruursadaan si midba kan kale uu meesha uga saaro balse sida caadada noqotay mar walba maba ugu dambeynta waxaa booska baneeya ama laga guuleeystaa R/wasaaraha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com