Dhageyso; Xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Oo Korontada, Biyaha, Iyo Internetka Laga Goostay Mudo 3 Maalmood Iyo Maxaa Laga Yiri Aqoonsiga Maamulka 3-da Gobol Ee Koonfur Galbeed.

0

Muqdisho,AGGM;Waraabhinta Allgalgaduud media ayaa waxa ay maanta idiin soo gudbinaysaa wareeysiyadi ugu xiisaha badnaa ee maalmihi la soo dhaafay ka baxayay Idaacadaha gudaha dalka.

Wareeysiyada ugu xiisaha badan ee aan maanta idiin soo bandhigeyno ayaa waxa ay yihiin laba wareeysi oo lala yeeshay siyaasi iyo oday dhaqameed ka soo jeeda beelaha Hawiye.

Siyaasi Cali Seeko ayaa waxa si aad ah ugu joog joogsaday Madaxda dowladda Soomaaliya, waxa uu sidoo kalena fariin Culus u diray ergayga IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo Oday dhaqameed ka qeeyb galay shirka beelaha Hawiye ayaa isagana waxa uu fariimo culus u diray Madaxda Dowladda iyo Madaxweynaha Uganda.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Cali Seeko Iyo Oday Dhaqameedka Fariita Ay Direen.

Dhinaca kale Idaacada SKY FM ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay baahisay shalay in Xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed laga goostay Korontadi, Internet-ki iyo Biyihiba mudo sadex maalmood ahna aysan adeegyadaas haysan shaqaalaha xafiiska R/wasaaha.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Oo Korontada, Biyaha Iyo internet-kaba laga goostay.


War Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com