Dhageyso: Al Shabaab Iyo Dad Shacab Ah Oo Ku Dagaalamay Deegaanada Qansaxdheere,Owdiinle iyo Ufurow.

0

Muqdisho, AGGM—Wararka saaka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in Dad Shacab ah iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen Deegaano hoos yimaada Degmada Bardaale.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Al-shabaab iyo Dadka Shacabka ah ay ku dagaalameen deegaanada,Qansaxdheere,Owdiinle iyo Ufurow.

Gudoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Maxamed Isxaaq Xasan oo u waramay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in Dagaalka uu yimid ka gadaal markii Al-shabaab ay Shacabka ku Amreen in ay Lacago Sakawaad ah Dhiiban.

Maxamed Isxaaq Xasan ayaa sidoo kale waxa uu Warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay Aaseen Ceelal Biyood oo ku yaala Deegaanada Qansaxdheere,Owdiinle iyo Ufurow, illaa hadda ayaa waxaan la ogeen Khasaaraha uu reebay Dagaalkan dhexmaray Al-shabaab iyo dadka Shacabka ah ee deegaanadaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com