Xog:Soomaaliya ma waxaa ka shaqeeya Sharciyada Baarlamaanka ansixiyo mise Shirqoolada xafiiska UNSOM Somalia ee uu hogaamiyo Nicholas Kay?

0

Muqdisho (AGGM): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharciyeeyey sida ay ku sameysmayaan Maamul goboleedyada balse bilihii lasoo dhaafay waxaa soo baxaysa in sharcigii Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey meel la iska dhigay ee haatan lagu socdo Xafiiska Gumaysiga Cusub UNSOM Soomaaliya oo ay hogaanka u hayaan Mr Nicholas Kay iyo lataliyiisa Nuuradiin Diiriye ee ka soo jeeda Puntland.

Heshiiskii uu soo saxiixay Wasiir Farah Abdulkadir ee lagu aqoonsanayey Maamulka KMG ah ee Juba ayaa la xaqiijiyey inuu Dawladda Soomaaliya ku qasbay xafiiska ku hawlan qeybinta iyo dagaal ka abuurida Dalka Soomaaliya ee UNSOM Soomaaliya ee uu hogaamiyo Nicholas Kay, Heshiiskaa ayaa la sameeyey kadib markii Baarlamaanka ansixiyey sharciga ay ku sameysmayaan Maamul goboleedyada Soomaaliya. Heshiiskii lahu soo saxiixay Addisababa, Itoobiya ee lagu aqoonsanayey Maamulka KMG ah ee Juba ayaa ilaa haatan la horkeenin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxa UNSOM Somalia Nicholas Kay ayaa Madaxda Dawladda ku qasbay maanta inay Mar labaad goob joog ka noqdaan qorsho dagaalo looga abuurayo Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose. Nicholas Kay iyo Nuuradiin Diiriye ayaa manta kusoo biiriyey laba Wasiir oo shalay laga qaaday xilkii Wasiirnimo ee ay ka hayeen Maamulka Koofur Galbeed ee 6-da Gobol, Wasiiradaas lagu biiriyey Kooxdii magic u yaalka ahayd ee 3-da Gobol waxay kala yihiin Cabdifitaax Geeseey iyo Shiino Macalin Nuur.

Dagaalada Joogsan waayey ee ka jira Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inuu ka danbeeyo Xafiiska UNSOM Soomaaliya ee uu hogaamiyo Nicholas Kay, la taliye-na uu ka yahay Nuuradiin Diiriye.

Labadaan nin ayaa la yimid qorshe ay ugu magac dareen higsi cusub balse ah fitno cusub oo ay ku sheegeen in Dawlado KMG ah loogu sameynayo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, qorshahaan oo ka hor imaanaya sharcigii Baarlamaanka Soomaaliya ee Maamul u samaynta Gobolada Soomaaliya.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli ayaa noqday mid bansiin kusii shuba Dagaaladii qabaailada ee ka jiray dalka Soomaaliya, Raisul Wasaare Cabdiweli ayaa horey dagaalo uga soo abuuray Gobolada Jubada Hoose, Gedo iyo Gobolka Sh/hoose. Qorshaha loo soo dhiibay Raisul wasaare Cabdiweli ayaa ah mid dagaalo cusub looga abuurayo Gobolada Bay iyo Bakool.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka inta badan gaar ahaan xildhibaanada Beelaha Hawiye, Digil/Mirifle,Dir-ta waqooyi, Beesha 5-aad iyo Beesha Mariixaan ayaa qaadacay qorshahaan dagaalada looga abuuarayo Gobolada Soomaaliya, waxeyna sheegeen in dhowaan Mooshin ka keeni doonaan Raisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli oo isagu noqday mid u nugul qorshaha shisheeyuhu riixayo ee dagaalada looga abuurayo Soomaaliya.

Heshiiskii lagu soo aqoonsaday oo aan weli baarlamaanka la horkeenin ayaa magaalada Kismaayo kusoo kordhiyey dagaal beeledyo aan dhamaan iyo shirqoolo lagu bartilmaameedsanayo qaar kamid ah beelaha Soomaaliya, qorshaha qar iska tuurka ah ee Maanta uu sameeyay Xafiiska UNSOM Soomaaliya oo ay Majaraha u hayaan Mr Nicholas Kay iyo Nuuradiin Diiriye ayaa la filayaa inuu Dagaalo ka dhex abuuro Maamulka Koofur Galbeed ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow iyo Maamulkii magac u yaalka ahaa ee uu gadaal ka riixayey Shariif Hassan ee 3-da Gobol iyo Sidoo Kale Maamulka Shabelle State (Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose) ee haatan saldhiga ka samaystay Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose.

Maamuladaan isbarbaryaaca ah ayaa biloowday kadib Markii Xafiiska UNSOM Somalia ku qasabtay Madaxda Dawladda inay aqoonsadaan Maamulkii uu Axmad Madoobe uga dhawaaqay Kismaayo,

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxaysa in Soomaaliya ku jirto Gumaysi cusub oo uun amar la siinayo Madaxda Soomaaliya iyada oo weliba lagu amrayo waxyaabo baabi’inaya qaranimada Soomaaliya, Sidoo kale haatan waxaa si cadaan ah usoo baxaysa in aysan shaqeyn sharciyada Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda uu dalka ka shaqeeyo rabitaanka gumaysiga cusub Mr Nicholas Kay ee dalka looga dhawaaqayo Dawlado KMG ah oo aan la shaqeyneyn Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com