Xog:R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Oo Dhex-dhexaadinaya Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Fartaag iyo Axmed Madoobe.

0

Nairobi (AGGM): Mudadii uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku sugnaa Raysul wasaare C/wali Sheekh Axmed waxa uu howlaha dowladda ku garab waday heshiis iyo isku soo dhaweeyn oo uu ka dhex sameynayay Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo C/laahi Sheekh ismaaciil (Fartaag) oo xiliyadii u danbeeyay uu khilaaf xoogan hareeyay.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo xiligii uu ku sugnaa Muqdisho ay ku adkaatay in uu arinta wax ka qabto waxaa fursad u noqotay socdaalkiisii Kenya oo uu kula kulmay Horjooge Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiin ay isku hayb yihiin, isaga oo kala hadlay sida loo xalin karo Khilaafka labada dhan.

Kulankan waxaa lagu lafo guray sababta keentay is fahmi waagan oo ku salaysnaa dhinaca awood qeybsiga Maamulka Jubba, Dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee ay Beesha Axmed Madoobe ku hayaan Soomaalida Gaar ahaan Beesha Horjooge Fartaag ka dhasahay oo si gooniya loo ugaarsanayay hanti badana laga dhacay Guryana laga dumiyay.

Waxyaabaha uu Horjooge Fartaag ka sheeganayo waxaa ka mid ah in uusan ahayn nin wax maamula ee uu yahay nin la maamulo haduu ka hadlana aan nabad galayn, iyo in looga baxay balamo badan, iyada oo isku dayo uu ku bad baadin lahaa dad la dilayana loo sheegay in uusan marnaba isku dayin hadii kale isaga lafihiisa loo soo jeesan doono.

Waxaa eedaymahaas qaar kamid ah qirtay Horjooge Axmed Madoobe qaarna waa uu iska fogeeyay, waxa uuna xusay in awooda siyaasada Kismaayo ay beeshiisu xaq u leedahay isla markaana aysan aqbalayn in cidkale wax ka noqoto marka laga tago xilalka yar yar, maxaa yeelay cidii ciidan ka joogo ayaa Kismaayo maamusha waana mida aan isku maan dhaafnay walaalkay Horjooge Fartaag .ayuu Axmed Madoobe ku yiri Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ”Dhismaha Jubbaland waxaa hortaagan Beeshaada waxaadna balan qaaday in aad wax ka qabanayso awey balankii ”.

Sida ilo xog ogaal ah Allgalgaduud Mediga u sheegeen waxa uu Raysul wasaaruhu isku dayay in xal laga gaaro khilaafka labadan Horjooge waxana uu ka codsaday in is fahan lagu dhameeyo isaga oo soo hadal qaaday in hadii ay saan ku kala maqnaadaan waxba socon doonin dhabarjabna ay ku tahay Howshii uu Raysul wasaaruhu ku doonayay in uu awood ugu yeelo Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni sidii uu Kismaayo markii uu tagayba uu soo balan qaaday.

Waxa uu Axmed Madoobe ka codsaday in wax laga badalo maamul ku sheega si loo badalo aragtida laga haysto maamulka ay iskood u sameysteen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ah in la afduubay iyo in kulan Nairobi ay isugu yimaadaan isaga iyo Fartaag si loo dhameeyo Khilaafka.

Waxa uu Axmed Madoobe ku adkeystay in Maamulkiisa hadii wax laga badalayo xitaa uu isagu soo qorayo dadka iyo Baarlamaanka hadii kale xajadu ay ahaan doonto sidan.

Kulankan waxaa bar bar socday Kulan ay Beesha Axmed Madoobe oo isugu jira Ganacsato iyo siyaasiyiin la yeesheen Raysul wasaaraha kana codsadeen in Beeshiisa uu ku qanciyo Maamulka Jubba ee horboodayaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo in uu ka dhabeebyo soo xaraynta Ciidanka Goobweyn, oo caqabad ku ah dhamaystirka riyada Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee ah Maamulka Jubba.

Isku soo wada duuboo Waxaa kale oo ay ka wada hadleen Ciidanka Kenya iyo hadii ay baxaan waxaase arintaas aad uga niyad qaboojiyay Raysul wasaare C/wali oo yiri “Kenya Ciyaar kuma baxayso ee aan shaqeyno”.

axmed madoode iyo fartaag

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com