Dhageyso: Dr. Abdirahman Beileh “waxaan xoojineynaa siyaasadeena dibadda iyo iskaashiga caalamka nagala dhaxeeya”.

0

Mogadishu, June 22, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu ku booqday wadamada Norway iyo Turkey , halkaasi oo uu kula kulmay Wasiiro arrima dibadeedyo iyo mas’uuliyiin kale .

H .E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyay guulaha uu ka soo hoyay shir iyo kulamo uu la kala yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda Norway , New Zealand , Turkey iyo Madaxa hey’adda UNDP .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu muujiyay in Wasaaradiisu ay xoojisay siyaasadda dibadda , si ajandayaasha qaranka iyo ujeedka la hiigsanayo loo gaaro , isagoo carabaabay in uu horamarinayo Xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya kala dhaxeeya dhammaan dowladaha ,Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com