Top News: Booliska Magaalada Hargeysa Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Xirnaa Dharka Dumarka.

0

Hargeysa (AGGM):Taliska ciidanka booliska ee maamulka Somaliland ayaa ka hadlay nin xirnaa dharka dumarka oo ay ciidanka shalay ku qabteen magaalada Hargeysa.

Taliyaha ciidanka booliska ee Somaliland, Jeneraal Cabdullaahi Fadal Iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan waxa ninkan ku kallifay xirashada dharka dumarka.

Wuxuu xusay in baaritaanka marka uu dhammaado ay soo bandhigi doonaan waxa uu yahay ninka iyo sababta keentay inuu xirto dharka dumarka.

Jeneraal Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in ciidanka booliska ee Somaliland ay had iyo goor diyaar u yihiin inay sugaan amniga deegaannada maamulka.

Wuxuu ku goodiyay in cid kasta oo amniga qatar ku ah la soo qaban doono, sharcigana la horgeyn doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com