Dhageyso:Madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed “Masiirka Shacabka Koonfur Galbeed Shaqsiyaad Ma Afduuban Karaan, Heshiiska Muqdisho Cidna Ugama Qeybgalin Maamulkeena”.

0

Muqdisho (AGGM):Iyada oo ay ka soo wareegtay saacado yar oo qura ayaa waxaa durbaba soo baxaya fadeexado la xiriir heshiiski maanta ay dowaladda sheegtay inay kala saxiixdeen labadi garab ee maamulka Koonfur Galbeed 6-da gobol iyo Sadexda Gobol ayaa waxaa soo baxaya durbaba inay jiraan been abuur ay sameeysay dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed oo wareeysi siiyay idaacada BBC ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa aysan jirin cid matalaysa oo ka qeybgashay shirkaas.

Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa waxa uu sheegay in ragga saxiixay heshiiska aysan matalin Mamaulka lixda gobol islamarkaana maamulka Lixda gobol uu ku shaqeeyo Rabitaan Shacab weynaha deegaanadaas.

Maanta ayay ahayd amrkii dowladda Soomaaliya ay isugu keentay magaalada Muqdisho labada garab ee maamulka Lixda Gobol iyo kan sadexda gobol, madashaas oo lagu marti qaaday dhamaan danjirayaaasha beesha Caalamka.

Heshiiska maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhanka maamulka lixda gobol ee Koonfur Galbeed u Saxiixay Cabdifataax Maxamed Geeseey, waxaa sidoo kale isna goobjooge ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Maxamuud Sayid Aden.

Warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol Madoobe Nuunoow Maxamed 21-06-2014 ayaa waxaa ku qornaa in xilka laga qaaday Cabdifataax Maxamed Geeseey.

Isku soo wada duuboo waxaa bulshada Soomaaliyeed isweediinyaan seebuu heshiis u saxiixaa shaqsi aanba ka tirsaneen maamulka Lixda gobol? Maxaase dowladda Soomaaliya ku qasbaya inay mar walba dib u heshiisiinta u marto wadada ugu xun ee sii kala dileysa dadka wada dhashay sababi kartana inay huriso colaado sokeeye oo ka qarxa dalka Soomaaliya?


Halkaan Hoose Ka Akhriso Warqada Xilka Looga Qaaday Cabdifataax Maxamed Geeseey.

fadeexad

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com