Dhageyso+Fadeexad:Laamaha Ammaanka Dowladda Oo Faafiyay Telefoon Nambaro Ay Ku Tilmaameen Inay Wataan Dad Isqarxinaya Iyo Nin Ka Mid Ah Dadki Lahaa Telefoon Nambaradaas Oo Warbaahinta La Hadlay.

0

Muqdisho (AGGM):Dhawaan Laamaha Amniga Qaranka waxay baahiyeen Taleefoonada,Magacyada iyo Baabuurta Taargada Shakhsiyaad la sheegay inay Shabaab ka tirsan yihiin oo doonaya inay Weeraro is qarxin raba Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Dadka Internet-ka lagu baahiyey Taleefoonadooda ayaa waxay sheegeen in laga been abuurtay ayna ku lug lahayn Al Shabaabnimada lagu Eedeeyey.

Idaacada VOA-da Laanteeda Afka Somaliga ayaa wareysatay mid ka mid ah dadka Namberadooda Ay Laamaha Amniga ku sheegeen inay Is qarxin rabaan isagoo beeniyey inuu yahay Qof ka Tirsan Al Shabaab.

Idaacada VOA-da ayaa Su’aal ay weydiisay Afhayeenka Laamaha Amniga Qaranka Khaasim Axmed Rooble inay jiri karaan Namberada ay ku daabaceen Internet-ka ay wataan Dad Aan ku lug lahayn Al Shabaab waxaana uu sheegay Afhayeenku in dadka ay Internet-ka magacyadooda iyo Namberadooda Geliyeen ay yihiin dad lagu hubo Falka Shabaabnimada.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA AFHAYEENKA LAAMAHA AMNIGA QARANKA OO WELI KUSII INDHO ADAG BEENTEY FAAFIYEEN.

 


HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA NINKA SHEEGAY IN NAMBERKIISA LAGU BEEN ABUURTAY

 

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa badankood ku mashquulay Wicitaanka Taleefoonada lasoo geliyey Internet-ka ee Laamaha Amniga Qaranka ku sheegeen inay yihin dad is qarxin raba waxaana qaarkood Namberadu ay noqdeen kuwo dadkii watay iska damiyaan markii ay wicitaanadu ku bateen labadii Maalin ee lasoo dhaafay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com