Dhageyso+Daawo Sawirada: Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Been Mid Abuur Ah Ku Tilmaamay Heshiiska Maanta Ka Dhacay Muqdisho, Maamulkoodana Uu Ka Qeybgalin.

0

Baydhabo (AGGM):Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee ka kooban lixda gobol ayaa ka hortimid heshiis ay maanta ku kala saxiixdeen Villa Somalia Madeer oo sheegta madaxweynaha maamul ka kooban sadex gobol iyo Cabdifitaax Geeseey oo horay u ahaa wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga Koonfur galbeed.

Hadaba isla maanta ayaa waxaa ka dhacay magaalada Baydhaba shir jaraa’id oo ay iskugu yimaadeen madaxda Koonfur galbeed qaarkeed iyo golaha guurtida Koonfur galbeed ayaga oo kaga hor yimid heshiiska lagu kala saxiixday Villa Somalia.

Masuuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa waxaa kamid ahaa malaaq Xasan Shure, gudoomiyaha Golaha guurtida Koonfur galbeed, Cabdulaahi Maxamed Idiris Leesto oo ah wasiirka gaadiidka dhulka, cirka iyo bada Koonfur galbeed iyo kuwo kale oo badan.

Waxa ayna si isku mid ah ugasoo hor jeesteen heshiiskii maanta lagu kala saxiixday madaxtooyada magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose Ka Dhegayso Suldaan Siraaji Aadan Xuseen oo ah gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha guurtida Koonfur galbeed.

DSCN9857

DSCN9861

DSCN9842

DSCN9855 DSCN9852 DSCN9848 DSCN9845 DSCN9839-Kopia

Isha: Baidoamedia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com