Dhageyso:Ciidamada Kenya Iyo Al Shabaab Oo Maanta Isku Farasaaray Deegaanka Kulbiyoow.

0

Badhaadhe(AGGM): Warar ka soo baxaya dagaal ka dhacay Deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in weli dagaal uu ka Socdo Deegaankaasi.

Taliyaha Ciidamada ee Degmada Badhaadhe Cumar Xaleys Maxamed oo u wraamay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey Dagaalka ka socda deegaanka Kulbiyoow isagoo sheegay in jidka ay Al Shabaab u galeen ciidamo Kenyaan ah oo saaka ka baxay Degmada Badhaadhe iyagoo Kulbiyoow usocdana dagaalka uu qabsaday.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay inay Saraakiisha Ciidanka Kenya usheegeen in khasaaro Xoogan la gaarsiiyey maleeshiyaadki Al Shabaab ee weerarka Gaadmada ahaa ku soo qaaday ciidamada Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com