Top News: Madaxa Siyaasada AMISOM Oo Dhaliilay Hay’adaha Ammniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

0

Muqdisho (AGGM):Madaxa Siyaasadda AMISOM Xaaji Ciise Maxamed oo Saxafiyiinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ay ku guul dareysteen in ay soo qabtaan Kooxaha Bartilmaamsada dadka ku dhaqan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Masuulkaan katirsan AMISOM ayaa tilmaamay inay ka walaac-san yihiin dilka joogtada noqday ee lagu hayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladda Muqdisho, wuxuu sheegay in maalin kasta la dilo dad aan waxba galabsan kowa dilana ay iska cararaan hay’adah khuseeya amniga dalkana aysan muujinayn tilaabo ay wax uga qabanayaan kooxaha falka sameeyay.

Xaaji Ciise ayaa sheegay dhanka kale in AMISOM, ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya ka taageereyso sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxaha falalka ammaan xumi ka geysta Magaalada Muqdisho.

‘Waxaa nasiib daro äh oo aan la qaadan karin ah in maalin kasta Magaaladda lagu laayo dad aan waxba galabsan, kuwa dilka gaystaaana ay isaga baxsadaan taasi waxay masuuliyad darro ku tahay dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaheeda qaabilsan amaanka”, ayuu yiri sarkaalkaan oo hadalkiisa sii watay.

Hay’adaha amaanka dowladda ayuu ku sheegay kuwo gabay inay wax ka qabtaan kooxaha falalka dilka ka gaysta magaalo Madaxda.

Xaaji Ciise ayaa sheegay in xilliga la joogo ay tahay waqtigii ay eegi lahaayeen meelaha ay hay’adaha dowladdu ka dabacsan yihiin, kadibna ay ku dadaali doonaan inay daboolaan baahida keentay dabacsanaan taas.

Hadalka Madaxa Siyaasadda AMISOM Xaaji Ciise ayaa imaanaya xilli Maalinimadii shalay fal dil ah loogu geystay Magaalada Muqdisho Wariye ka howl galayay Mid ka mid ah Idaacadaha Maxalliga ah ee ka howl gala Magaaladda Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com