Dhageyso: Salaad Cali Jeele “Hay’addaha Ammaanka Ma Ahayn In Ay Shaaciyaan Xogta Ay Heleen”.

0

Muqdisho (AGGM):Salaad Cali Jeelle oo Xilal kala Duwan ka soo qabtay Dowladdihii KMG ahaa ee Dalka soo maray ayaa Dhaliilay Qaabka Laamaha Amaanka Dalka Soomaaliya ay u Shaaciyeen Xog Sir ah oo ay ka Heleen Al-shabaab.

Salaad Cali Jeelle oo la hadlayey Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Arrin Xun ay tahay Faafinta Sirda Kooxaha kaa soo horjeeda oo la sheego islamarkaana ay tahay Arrin ku Cusub Soomaaliya.

Waxaana Hadalkaan uu imaanayaa xili Afhayeenka Laamaha Amaanka Dalka Qaasim Axmed Rooble uu shaaciyey in Gawaari iyo Rag ka tirsan Al-shabaab,oo Qaraxyo wada Magaalada Muqdisho ay ku Dhuumanayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com