Dhageyso: Muxuyadiin Xasan Afrax “R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Waxuu Wadaa Qorshe Uu Ku Aqoonsanayo Maamulka Sadexda Gobol Ee Koonfur Galbeed, Waxuuna Hurinayaa Colaad Sokeeye”.

0

Muqdisho (AGGM):Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Shabelle State Muxuyadiin Xasan Afrax oo Warbaahinta kula Magaalada Muqdisho Wareysi siiyey ayaa sheegay in Raisul Wasaare C/wali Sheikh Axmed uu wado Qorshe lagu Aqoonsanayo Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Muxuyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay in Arrintaasi ay Fashil ku tahay maamulka uu Madaxda ka yahay ee Shabelle State islamarkaana Raisul Wasaaraha uu doonayo in Maamulka Shabelle State uu Burburiyo,si uu u Aqoonsado Mamaulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed.

Waxaa uu intaa raaciyey in Maamulka Shabelle State uu Cambaareenayo Qorshaha Raisul Wasaaraha Dalka uu ku Aqoonsanayo Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Dhawaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa waxaa Raisul wasaaraha Soomalaiya uu Kulamo gooni gooni ah kula Qaatay Madaxweyneyaasha Ismagacaabay ee Maamulada Lixda Gobol iyo Saddexda Gobol ee Koofur galbeed, inkastoo aan la ogeen waxa uu ku qanciyey Labada Dhinac.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com