Dhageyso: Dr. Dufle Oo Shacabka Magaalada Muqdisho Uga Digay Cunista Raashinka Dhacay.

0

Muqdisho(AGGM):Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa Shacabka Soomaaliyeed oga digay Raashin Dhacay oo Ciidamada AMISOM ay Daadiyeen Islamarkaana Ganacsato Soomaaliyeed ay soo Rarteen oo Suuqyada Magaalada Muqdisho la soo galiyey.

Dr Dufle ayaa sheegay in Cunista Raashinkaasi Dhacay ay ka dhalan karto Caafimaad daro iyo Cuduro ku dhaca Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa Dhawaan jirtay in Raashin Dhacay oo ah Nuuca Fudud Islamarkaana Duleedka Magaalada Muqdisho ay ku Daadiyeen Ciidamada AMISOM in ay soo qaateen Ganacsato Soomaaliyeed oo doonaya in Shacabka Soomaaliyeed laga Gado Raashinkaasi Dhacay.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com