Ra’iisul Wasaare Cabdiwali “Qaraxii lagu dilay wariye Keynaan waa mid laga dheehan karo nacaybka ay nabaddiidku u qabaan saxaafada xorta ah”

0

Muqdisho, 21 June, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan, oo ku geeriyooday qarax saaka lagu xiray gaarigiisa. Wariyaha ayaa ka mid ahaa suxufiyinta ka howlgala Idaacadaha Mustaqbal iyo Ergo oo ka shaqaysa arrimaha bani’aadamnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo qaraabadii wariyaha asagoo sidoo kalena u tacsiyeeyay bahda saxaafadda Soomaaliyeed gaar ahaan asxaabtii uu la shaqaynayay. Wuxuu caddeeyay in ay dawladdu sii wadi doonto dagaalka ya kula jirto kuwa gumaadka ku haya Soomaaliyeed.

Rai’iisul Wasaaruhu wuxuu yiri:

“Innaa Lillaahi wa inaan ileyhi raajicuun, geeridu waa xaq, noole walbana wuxuu marayaa dhimasho. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Wariye Yuusuf Abuukar, dhammaan ummadda Soomaaliyeed, eheladii iyo asxaabtiisana Samir iyo IIMAAN ka siiyo.

“Dilka loo geystay wariye kenyaan wuxuu calaamad u yahay dhibaatada ay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku hayaan kooxaha dhagar-qabayaasha ah. Waxay laamaha ammaanku dadaal ugu jiraan inay gacanta ku dhigaan dambiileyaashii dilkan naxdinta leh geystay si sharciga loo hor keeno.

“Runtii aad iyo aad ayay ii dhibaysaa inaan maqlo muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku dhintay qarax ama la dilay. Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay gacan siiyaan laamaha ammaanka si looga adkaado dadka dulmiga ka dhex wada ummaddeenna”

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin diinta Islaamka isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com